|
QOYSKA ADDUUNKA
UGU TIMAHA BADAN Muuqaal
Olline
Waxaa
loogu yeeraa Wolf People balse waa bani'aadam sidoo
kale dadka ayaa ugu yeero Victor "Larry Ramoz" and
Gabriel "Danny Ramoz" waxay u dhasheen Mexico waa
qoyska kaliya ee jebiyay Recordka Timaha ee adduunka
iyagoo lagu qoray Buuga Caalamiga ah ee Guinness
World Records oo ah buuga lagu qoro dadka jebiyay
record dhan kastaba ha ahaatee si adduunka looga
aqoonsado.
Danny iyo Larry ayaa jirkooda waxaa qariyay timo ah
98% marka laga reebo gacmahooda, cagahooda iyo
garbaha, ayaa waxaa dul saaran timo modoow iyo brown
iskugu jiro tintaas oo aan ahayn mid adag, iyagoo u
waramayay idaacadda ABC NEWS ayay waxay sheegeen in
ay sida madaxa oo kale ay u jaraan midabka ay jecel
yihiinna ay ka dhigtaan waxayna intaas raaciyeen
inay tahay mid dhib badan daboolkan ay jirkooda
dabooshay timahaan, sidoo kale gabdhaha qoyska Ramoz
ayaa ah kuwa timahaan leh walow aysan u badneen sida
Danny iyo larry.
Danny iyo larry ayaa kasoo jeedo Qoys faqiir ah
waxayna illaa yaraantooda isku dayeen inay meel
marsiiyaan nolosha qoyskooda maadaama ay leeyihiin
mucjiso ka gedisan tan dadka isla markaasna ay u
abuuraan dad weynaha Mexico iyo Aduunkaba bandhig
faneed.



Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|