|
|
RIYADII XALAY "Qormo Xiiso Leh"
Muuqaal Online.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa garoonka diyaaraddaha
magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhoweeyay Wafdi
ballaaran oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha dalka
Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirka
arrimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Ahmadu
Ould Abdallah, saraakiil ka socotay Dalalka
taageerada badan ku bixiyay Soomaaliya iyo wafuud
kale, kuwaasi oo markii ay ka soo degeen astaanka
labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya loo tumay,
waxaana lagu soo galbiyay Gaadiid aad u qorxoon oo
ka babanaya labada calan ee Soomaaliya iyo Jabuuti,
iyadoo si toos ah loo geeyay xaruntii shirkii dib u
heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed lagu qabtay
2007-dii ee ex-gaadiidkii Booliska, halkaasi oo ay
ku sugan yihiin Sh. Shariif Sh. Axmed oo hogaamiya
isbaheysiga Asmara, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo
xubno kale.
Wafdigan ayaa waxay magaalada Muqdisho ugu
qeybgalayeen xuska sanad guuradii heshiiskii
Taariikhiga ahaa ee Dowladda KMG iyo Isbaheysiga
Asmara ku gaareen dalka Jabuuti kaasoo soo
gabagabeeyay mushkiladii ka taagneyd dalka
Soomaaliya, waxaana halkaasi sidoo kale ku sugnaa
Wasiiro iyo madax kale oo ka kala socotay dalalka
Yeman, Kenya, Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya sidoo
kale waxaa xafladaasi goob joog ka ahaa safiirada
dalalka caalamka ee Soomaaliya fadhiya.
Waxaa ugu horeyntii xafladii ka hadlay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo
mahad noq ballaaran kadib ka hadlay munaasabada la
xusayo iyo qaabkii ay ku dhalatay, isagoo ku
dheeraaday dadaalkii ay dowladdiisa iyo Wakiilka
Qaramada Midoobay u soo galeen sidii lagu gaari
lahaa heerka maanta la xusayo, wuxuuna sheegay in
arintaasi amaanteeda uu leeyahay Ahmaedou Ould
Abdallah.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo farta ku
fiiqayaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo
garbahiisa ay fadhiyaan Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo
Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa waxaa uu yiri " Ilaahey
baa mahad leh ee hamigeyga maanta i tusay, waxaana
dhamaantiin idiin sheegayaa in dad badan aysan
aaminsaneyn in maanta ay is hor fariisanayaan
kooxihii Siyaasadda Soomaaliya isaga soo horjeeday,
laakiin maanta waa guul taariikhi ah in aan
dhamaanteen xusno heshiiskii aad ku soo saxiixdeen
dalka Jabuuti, inagana aan mar walba u heelaneyn
sidii Soomaali la isugu keeni lahaa.
Intaasi kadib waxaa hadalkii qaatay Madaxweynaha
Dowladda KMG ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf
Axmed oo isagoo qoslaya ku kaftamay "Weligey kuma
haminin inaan hor fariisto Sh. Shariif iyo kooxdiisa,
laakiin waxaa maanta idiin qirayaa in wax walba oo
lagu diriro ay yihiin sax, Walaalkey Sheekh Shariif
iyo Shariif Xasan halgankoodii wuxuu ahaa mid saxan,
laakiin qolooyinkii kale ee xagjirka ahaa ayaa waxay
wanaag ay sameeyaan dib u burburin jiray".
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ugu mahad
celiyay Dowladda Jabuuti, Ergayga Q.Midoobay ee
Soomaaliya iyo beesha caalamka dadaalkii dheeraa ee
ay u soo galeen midnimada maanta la hiigsanayo.
Intaasi kadib ayaa Madaxweyne Yuusuf iyo Ismaaciil
Cumar Geelle ay si wada jir ah kormeer dheer ku soo
sameeyeen deegaanadii dagaalada xoogan ay ka dhaci
jireen kuwaasi oo iminka muuqaaladooda ay yihiin
deegaano dib u dhismay, wuxuuna Madaxweynaha Jabuuti
mar ay marayeen wadada dheer ee Warshadaha
indhahiisu qabteen Tabeelo weyn oo tilmaamaya in
goobtaasi lagu xasuuqay ciidamo Itoobiyaan ah,
Tabeelahaasna uu ka turjumayo xasuus iyo in mar
walba aan la hilmaamin ciidamadaasi iyo dadkii
Soomaaliyeed ee ku geeriyooday Muqdisho.
Waxay kaloo Madaxdaasi booqasho ku tageen Garoonka
weyn ee ciyaaraha Kubada Cagta Stadium Muqdisho,
halkaasi oo xarun u aheyd ciidamadii Itoobiya ee ka
howlgeli jiray Muqdisho, Madaxweynaha Jabuuti waxaa
cajab galisay dhismaha garoonka oo xiligaasi ciyaar
soo dhoweyn ah ay ku dhigayeen xulalka Qaranka
Soomaaliya iyo Jabuuti laguna maamuusayey sanad
guuradii ka soo wareegatay saxiixa heshiiskii ka
dhacay Jabuuti ee la isugu keenayey Dowladda KMG iyo
mucaaradkii Asmara.
Madaxweynaha Jabuuti, Soomaaliya iyo Sh. Shariif Sh.
Axmed oo si wada jir ah shir jaraa'id ugu qabanayey
xarunta guriga martida ee Muqdisho, halkaasina ay
buux dhaafiyeen Saxaafadda caalamka oo ay u dhan
yihiin qalabkooda shaqo ayaa waxaa su'aalo fara
badan laga weydiiyay maanta iyo shalay heerka la
kala joogay, jawaabtii ugu horeeysay inta uusan
bixin Madaxweynaha KMG ayaan mar qura waxaan ka soo
booday Hurdada xili Saq dhexe ah, oo roob xoogan uu
da'ayey misana waxaan ogaaday in waxa aan ku jiray
ay haeyd RIYADII RUMOWDAY.
W.Q Cali Muxiyaddin.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|