Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
45 Qof oo lagu dilay Xaflad Aroos ka dhacayay dalka Turkiga E-mail
Written by Muuqaal   
Tuesday, 05 May 2009 07:00

Waxaa lagu soo waramayaa in lagu xasuuqay dad gaaraya 45 qofood aroos ka dhacayay gobol lagu magacaabo Mardin oo ku yaala dalka Turkiga oo ay kasoo qeybgaleen si ay ugu dabaal dagaan xafladaasi, Kadib markuu uu rasaas ooda kaga qaaday nin Ku hubeysnaa qoray ahaa nooca u dhaca Baaska ama darandooriga asagoo sidoo kale ku tuuray dhowr bam oo ah nooca gacanta laga rido.

Saxaafadda Gudaha ee Turkiga ayaa kusoo waramaysa in dadkaan la laayay ay ahaayeen ehelka Arooska iyo Aroosada, kasoo qeybgalayasha arooska iyo ilaalada xaafadda oo ay rasaas isdhaafsadeen ninkaan wax xasuuqay oo la sheegay inuu watay Maliishiyo kale oo ku ku sugayay banaanka markii ay dadkaan ku fureen rasaastana ay usoo gudbeen xuduudka dhanka Syria.

Dadka degan magaaladaas yar iyo dadweynaha Turkiga ayaa lagu soo waramayaa inay arrintani ku noqotay mid murugo iyo naxdin wadato kadib markii xaflad farax aheyd uu dhiig badani ku daatay ayna isku rogtay Murugo iyo baroordiiq,

"Anagoo caweyneyna ayaanu marqura tacshiirad ooda nagala qaaday waxaana kala garan weynay meel aan ka baxno iyo wax aan sameyno waxaana sakano yar gudahood kusoo xigay bambooyin waxaana yaqiinsanaa inaan ka badbaadi doonin cawada maadaama aan dhexda kaga sugnaa ddhiig iyo qeylo ooyin iyo cataaw "ayay tiri gabar yar ka mid aheyd kasoo qeybagalayaasha arooskan xeriirna la laheyd familka aroosaya.

Wararka la xiriira

Sida laga soo xiganayo wakaalada wararka ee Cihan Dhimashada ayaa laga yaabaa inay sii kororto waxaana ay wakaaladu tagtay Isbitaalka xili uusoo booqday dhaawacyada Wasiirka arimaha gudaha iyo madaxa Police-ka waxuuna usheegay wakaalada in la wado baaritaan lagu raadinayo xaqiiqda cidii ka dambeysay weerarkan nacasnimada. Balse waxaa jira ayay leeday saxaafadu warar hoose oo sheegaya inay ka dambeeyeen Xisbiga Shaqaalaha ee Kurdistan Kurdistan Workers' Party (PKK) oo sida la ogsoonyahay Mareykanku iyo yuruba ay u aqoonsanyahiin argagaxiso ah, maadaama uu xisbigaasi si nabad leh ku raadin xornimda Kurdistan si nabad ah.

 Muuqaal Online
  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it