|
Laba Dumar ah Ma guursan laheed Hal habeen?-Hargeysa ayay ka Dhacday ! |
|
|
Written by Muuqaal
|
|
Friday, 10 April 2009 22:38 |
Inkastoo Somalida aysan aheyn arrin layaab leh in Somalida nimankooda ay guursadaan dhowr naagood ayaa tani oo ka dhacday Hargeiysa Somaliand ay ku noqotay dad weynaha reer Masar markey ku arkeen wargeysyada Xawaadista ee kasoo baxa Qaahira kadib markii ay dib u iftiimiyeen Arooskaan labasanadood kahor ka dhacay deegaanada Somaliland, ayagoo qaar ka tirsan jaraa'idyadas u aqoonsaday ninkan geesi, Arooskaan ayaa waxaa horey ula yaabay dadka Soomaalida.Ismaacil Cismaan Cabdullahi oo ah Ninkaan hal habeen guursaday laba naagood una sameeyay arooska ayaa dhexda ka fadhiistay labada aroosad oo lagu kala magacaabayay Gaasira Muxumad Xuseen halka Aroosada labaadna lagu magacaabay Shukri Cismaan Axmedm, Iyadoo xaflada arooskiina ay kasoo qeybgaleen dad ka badan intii la filiyay oo la yaabanaa siduu ninkaan habeen qura Labada Gabdhood usoo hoysaday. "Waa qaddar iyo calaf qornaa inaan hal habeen laba xaas soo xareeyo" ayuu yiri Ninkaan asigoo ka jawaabayay su'aal la weydiiyay oo aheyd sida uu ugu dhiiraday inoo soo dadabgeliyo laba hablood. Dhanka kale Labada Haween ayaa sheegay inay ku faraxsanyahin in hal habeen la isla guursado oo loo wada smaeeyo hal aroos.Kani waa arooskii labaad waxaana isla xaafad ku taalo Hargeysa oo lagu magacaabo GARABIS horey ugu aroosay sidaad arkeysan sawirkan hoose.
Arrinkan la isla aroosayo habeen laba gabdhood ayaa waxaa kasoo horjeestay dad aad u farabadan kuwaasoo u badan dumar hadaba aqristow sidaad u aragtid fikirkaada ka dhiibo ra'yigaada sidaad u aragto.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|