Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Naagta adduunka ugu luga dheer oo la kulantay ninka ugu yar adduunka E-mail
Written by Muuqaal Online   
Tuesday, 10 March 2009 00:16

 

Waxaa ku kulmay bartamaha magaalada London Hi Pinpin oo dhererkiisu yahay 73 cm una dhashay dalka China ayaa loo doortay ninka ugu jab yar adduunka, waxuuna la kulamayaa sida aad daawaneysaan haweeneyda ugu lugaha dheer caalamka oo lagu magacaabo Svetlana Pankratova  waxayna gaarayaan dhererka lugaheeda ilaa iyo 132 cm oo dherer ahaan aad uga dheer mr Pimpimp oo istaagsan lugaha gabadhan hoosteeda waxaana sawiro looga qaaday iyagoo taagan Trafalgar Square oo ah bartamaha magaalada London iyadoo ay ka muuqatay farxad laga dareemayay wejiyada labadooda.

Wararka la xiriira
waxaana sawiradan lagu soo daabici doono buugga Guinness World Record ee caalamiga waxaana iyadoo la lasoo xambaaray la weydiiyay sida uu u arko kulankan uula yeeshay gabadhan lugaheedu aadka u dheeryahiin  waxuuna ku jawaabay inay u tahay farxad  iyo reyn reyn  iyadoo codkiisana laga dareemayay inuu yahay ruuxa adunka ugu yar.

Waxaa sidoo kale halkasi iyadoo aad u faraxsan ka hadashay Svetlana Pankratova  oo ah gabadhan lugaheeda aadka u dheer yahiin  oo iyadu isku tilmaamtay inay tahay boqorada lugaha adduunka maadaama lagu qorey buugga Guinness World Record.

Muuqaal Online