Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Ayuub Daud Xuseen Iidow oo saftay Cayaar Seria A Talyaaniga. E-mail
Written by Muuqaal   
Monday, 16 March 2009 00:07

Ayuub oo ah 19 jir u dhashay Somalia ayaa waxaa uu maalinamadii Axadda u safatay ciyaartiisii ugu horeysay kooxdiisa Juventus ciyaar ka tirsaneyd Horyaalka Seria A ama heerka koowaad ciyaartaas oo la dheelayeen Naadiga kale ee Bologna iyadoo Mr Ayuub keydka uu ku jiray ciyaarta qeybteeda hore Balse ugu dambeyn jaanis loo siiyay inuu safto markaana awoodiisa la arko, balse dadka ka faalooda ciyaaraha ayaa sheegay in Ayuub Daud Jenyo ay aheyd inuu helo daqiiqado badan oo si wacdaro leh ugu muujiyo qaab ciyaareedkiisa.

Ayuub oo ah nin kasoo jeeda qoys Taariikh ku leh Ciyaarta Kubadda Cagta maadaama aabahiis Daauud Xuseen Iidow (Daauud Jeenyo)) uu u cayaari jiray naadigii Jenyo iyo waliba abtigiis Ayuub Sheekh Abuukar (Ayuub Jeenyo) ayaa waxaa uu dalkaasi dalyaaniga ku noolaa mudo 11 sano ah waxaana uu asagoo caruur ah sanadkiii 2000 uu ku xarooday taasoo fursad siisay Ayuub inuu maanta noqdo xiddig weyn oo lagu maamuuso Kubadda Cagta.

Wararka la xiriira

Kooxaha safka ugu jira Ayuub.

Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee kooxda Juventus Ayub Daud ayaa mar kale soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee Yurub mar uu ka qeyb galay tartanka koobka Viareggio oo uu noqdey xidigii tartankaas.

Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in kooxda Tottenham dadaal weyn ugu jirto iney lasoo wareegto xidigan dhalinta yar ee Soomaaliyeed inkastoo ninka wakiilka u ah Ayub oo lagu magacaabo Savini ayaa sheegay ineysan jirin xiriir toos ah oo dhex maray isaga iyo Tottenham hase yeeshee wuxuu xqiijiyey iney kooxaha Villarreal, West Ham iyo Wolfsburg kala soo xiriireen arinta laacibka Soomaaliyeed Ayub Da`ud Xusen.

Juventus Ma dhiibi doontaa Ayuub ?.

Kooxda Juventus ayaa ku celcelisay in Ayub uusan beec aheyn uuna mustaqbal wanaagsan ku leeyahay kooxda, Ayub oo ah laacib qadka dhexe ayaa ku darsadey gool dhalin iyo xirfad wanaag waxaana u sii dheer inuu aad ugu wanaagsan yahay boloziyoonada.

Ayub Da`ud Xusen waxaa u rajeyneynaa inuu guul ka gaaro ciyaarta kubada cagta sawir wanaagsna u noqdo dhalinta Soomaaliyeed isboortiga xiiseysa

Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it