Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Xulka Qaranka Somaliyeed oo ka badiyay Bariga Africa E-mail
Written by Muuqaal   
Thursday, 05 March 2009 17:43

Xulka Qaranka Somaliya ayaa maanta guul farxad leh kasoo hoyay tartanka koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo dhawaan ka furmay dalka Uganda, kadib markii ey 1-0 uga badiyeen kooxda xulka qaranka Tanzania.


Wararka la xiriira
Ciyaarta maanta dhacday oo ey guusha kasoo hoyeen xulka Qaranka Somaliya ayaa la sheegay in ey ka dhacday garoonka NATAKUBI, kaasoo ku yaala magaalo madaxda Uganda ee Kampala.

Goolka guusha ey kusoo hoyeen xulka Qaranka Somaliya ayaa waxaa u dhaliyay xulka qaranka Somaliya ciyaaryahan lagu magacaabo Ciise Abshir Aadan (Ciise Dheere) oo isagu deegaan ahaan iminka dagan dalka Norway.

 


 

Ciise Dheere oo ah kabtanka kooxda Somalida islamarkaana qaata (nr.9) ayaa dhaliyay goolka galinkii hore ee ciyaarta (14-mirir ka dib markii ey ciyaartu bilaabatay), waxaana la sheegay goolka uu dhaliyay in uu ahaa mid aad u qurxoon.

Dhanka kale kooxda reer Tanzania ayaa ciyaarta galinkeedii dambe waxa ey lasoo bexeen fir-fircooni dheeri ah oo u muuqatay in ey kaga soo ceshanayeen goolkii uu ka dhaliyay kabtanka kooxda Somaliya ee Ciise Dheere.


 

Waa ciyaartii labaad oo ey ciyaaraan kooxda xulka Qaranka Somaliya, waxaana ciyaartan tii ka horeysay ey Somalidu la ciyaareen kooxda xulka Zan-Zibar oo iyagu uga badiyay Somaliya 2-0, halkaasna ey Somalidu guul-darro kala soo laabteen.


Macalin Geelle oo ah tababaraha xulka Qaranka Somaliya iyo Somalidii daawaneysay ciyaartan ayaa soo dhaweeyay guusha ey soo hoyeen dhalinyarada xulka qaranka Somaliya.

Maalinka Isniinta ahaa ayaa waxaa lagu wadaa in ey ciyaartii sadexaad ciyaaraan, iyadoo ciyaartani ey isaga hor imaan doonan sida naloo xaqiijiyay xulka qaranka Rwanda.

Dhalinyarada Xulka Qaranka Somaliya ayaa iyagu ka kooban dhalinyaro Somaliyeed oo laga soo ururiyay dalal kala duwan oo caalamka ku yaal, haba u badnaadeene wadamada reer galbeedka.