|
URURKA DHALINYARADA
SOOMAALIYEED OO KULAN LA YEESHAY MADAXWEYNIHII HORE
EE SOMALIA.
Muuqaal Online
02-July 2008
Ururka dhalinyarada soomaaliyeed "SYO" ayaa kulan
kula yeeshay Hoteelka Maridian ee ku yaalal
magaalada qaahira Madaxweynihii hore ee Soomaaliya
Dr:qaasim Salad Xasan ujeedada kulankaan ayaa aheyd
sida uu sheegay C/raxman Turyare iskuxiraha guud ee
ururka salaan iyo is wareysi ku aadan xaalada
cakiran ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka dib markii uu dhageystay
warbixinta wafdigii ka socaday ururka oo ay xubno ka
ahaayeen mudane: C/qaadir Cumar Cusman oo ah
xoghayaha maaliyada ee ururka iyo Al-ustad Maxamed
Cumar Axmed oo ah qoraa iyo baare arimaha Soomaaliya
xubina ka aha ururka ayaa ku booriyay ururka in ay
si wada jir ah u shaqeeyaan is kana ilaalshaan
qabyaalad iyo nin tooxsi taa oo Soomaaliya dhigtay
maanta halka ay taalo asigoo sidoo kale ka
dhawaajiyay in ay dhalinyaradu dawr muhiim ah ka soo
ciyaareen xurnima gaarsiintii Soomaaliya hadana ay
sidoo kale muhiimtahay in ururka dhalinyarada
soomaaliyeed dowr muhiim ah uu ka cayaaro dib u soo
celinta xurnimadii soomaaliya iyagoo sidoo kale ka
qeybqaadanayay dejinta iyo badbaadinta shacabka
Soomaaliyeed kaa oo ay la soo derseen daruufo ad
adag oo xaga amaanka ah iyo noloshaba.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|