MAAMUL CUSUB OO LOO
DOORTAY NAADIGA ARDAYDA SOOMAALIYEED EE
DALKA MASAR.
Muuqaal Online
15- Sep. 2008

Sanad walba bishan dhexdeeda ayaa waxaa
la qabtaa doorashooyinka Naadiga Ardayda
Soomaaliyeeed ee dalka Masar, doorashadan oo
lagu qabtay xarunta Naadiga ayaa xalay lasoo
gaban gabeeyay ayadoo ay isku soo tagaan
xilka Maamulka Naadiga Ardayda Soomaaliyeed
18 Arday oo ka soo wada jeeday dhamaan
goboladda Soomaaliya doorashada ka hor ayaa
waxaa ka dhacay Naadiga is qab qabsi u
dhexeeyay Maamulka iyo qaar ka tirsan murashxiinta xilka u tartamayay iyadoo mid
ka mid ah ragii maamulka u tartamayay loo
diiday in laga ogalaaado waraaqihii uu kaga
qeyb gali lahaa doorashada Naadiga , sabab
laxariirta isagoo heysto jinsiyad kale oo
aan ahayn Soomaali ( Baasaboor Kenyaati ah) arintan oo ka careysiisay
ardaygaas xilka
isku soo sharaxay taas oo sababtay gacan ka
hadal oo ay ku soo baxeen amniga dalka Masar.
waxaa had iyo jeer ka qeyb qaadan jiray maamulka Naadiga in ay ka mid noqdaan
dhamaan ardayda ku hadasha afka Soomaaliga
meelkasto ay kayimaadaan
Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.
mar aan wax ka waydiinay arinkaan
dhalinyaro Naadiga ka mid ah kala saarisita sanadkan
lagu sameeyay ardayda ayay ku sheegeen in
amarkaan uu kaga yimid dhanka amniga wadankan
Masar ,taas oo ay wax kama jiraan
ku tilmaameen ardayda ku dhaqan dalka Masar
hadalkaan ka soo yeeray maamulka maxaa yeelay
haddii saas jirto waxaa ay ahayd in ay soo
wargeliyaan ardayda in dastuurka faqra kamid
ah wax laga bedalay waxayna sheegeen ardayda
qaar in dano kale laga damacsanaa diidmadan
oo aysan wax xariir ah lalaheyn dhinaca amniga dalka Masar.
Doorashadan loo sameeyay 18 arday ayaa u
kala qeybsanaa laba qeybood 10 la magac baxday
ardayda reer bacuus iyo 8 loogu magac daray
Baabadiin ayaa xilka maamulka waxaa ku
guuleystay 12 arday oo 10 kamid ah ay
ahaayeen reer Bacuus halka reer Babadiin u
soo baxeen 2 arday oo kaliya, doorashadaan oo
ahayd mid xiiso badan ayaa waxaa codka
dhiibtay 431 arday waxaana si xornimo leh guushii u raacday ardaydii reer
Bacuus, maamulka la dooratay Naadiga
magacyadiisa ayaa ah sidatan.:-
|
|
|
Diiwaan |
Magacyada
ardayda |
Codka uu ku qaaday |
|
01 |
Cabdi Nasir Cumar
Cusmaan |
199 codad ah |
|
02 |
Maxamuud Axmed Maxamuud |
198 codad ah |
|
03 |
Abubakar Xasan
Sheegoow |
198 codad ah |
| 04 |
Aways
Cali Maxamed |
197 codad ah |
| 05 |
Cabdulqaadir Cumar Cusmaan |
197 codad ah |
| 06 |
Xassan Isxaaq Maxamed |
195 codad ah |
| 07 |
Cabdixakiim Axmed Maxamed |
195 codad ah |
| 08 |
Cabduqaadir Aadan Maxamed |
195 codad ah |
| 09 |
Cabdullaahi Saciid |
195 codad ah |
| 10 |
Maxamed Salaad Cusmaan |
189 codad ah |
| 11 |
Shaafici Ciise Diiriye |
185 codad ah |
| 12 |
Maxamuud Maxamed Cilmi |
184 codad ah |
Dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan
dalka Masar ayaa soo dhaweeyay maamulka
cusub ee loo doortay xilka sanadkan waxaana
laga dareemay goobtii codbixinta sawaxan iyo
salaan ay isla dhex marayaan ardaydii ku soo
baxday doorashda iyo taageerayaashooda
natiijada markii lagu dhawaaqay .
waxaa sidoo kale soo dhaweeyay maamulkan
cusub uguna hambalyeeyay guusha Ururka Dhalainyarada Soomaaliyeed SYO oo ah Urur
dhalinyaro oo ka shaqeeya magaaladan Qaahira iyo goobo kale oo caalamka ah.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
Xuquuqdu waxay u
dhawrsan tahay Muuqaal Team.