HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US
 

 

 

 

WIIL KU HADLO 10 SAACADOOD QADKA TALEEFANKA HABEENKII MAGAALADA MUQDISHO.


Muuqaal Online


C/qaadir Yare oo loo yaqaan Fantastic ayaa markii aan maqalnay inuu si aad ah ugu hadlo Taleefanka isla markaana kula sheekeeysto dhalinyaro u badan haween ayaan waxaa la xiriiray Muuqaal Online Muqdisho waxuuna sheegay inuu muddo sanado ah ilaa haatan uu sidaas ugu hadli jiray teleefanka asagoo ay ka muuqatay dhegtiisa bidix hoostiisa calaamad uu ku reebay gacanka taleefanka.

Ilaa 10 saacadood oo xiriira ayaan ku hadlaa taleefanka anigoo ku haasawe taga habeenadii markii shanqarta magaalada dagto waxaana had iyo jeer ka helaa saaxiibo cusub oo aan in muddo ah iska naqaano taleefanka lakin aanan iska garaneyn bulshada dhexdeeda muuqal ahaan ayuu yiri Cabdulqaadir waxuuna intaas raaciyay inay ka sheekaystaan haweenka arimo xasaasi ah oo aysan awoodin gabadhu in ay qadka demiso ilaa ay ka gaarto heer korantada ay Muqdishu subaxdii aroortii ka tago, Fantastic waalidkiis ayaa had iyo jeer uga digaan qatarta ka imaan karta dhafarka iyo taleefanka uu caadeystay wiilkooda muddo badan taas oo keeni karta dhibaatooyin badan oo kaga yimaado dhanka maskaxda iyadoo sida la ogyahay maskaxda bani aadamka ay u baahantahay inay hesho hurdo ugu yaraan ah 8 saacadood.

Magaalada Muqdisho oo inta badan ay ka qaxeen barbaartii ayaa waxey caan ku noqotay guuxa hoose ee taleefanada kadib markii uu iska yaraaday isku socodkii dadweynaha cabsi xagga amniga daraadeed waxaana jira in badan oo dhalinyara ah oo iska guursaday qadka taleefanka kadib markii isbarasho ku dhex martay qatka

waxaana jirta in guurka dhalinyarada ee ka jira magacaalada Muqdisho 75% in uu kasoo askumay xiriir lagu sameeyay Taleefanada iyadoo Magaalada Muqdishu ay ka mid noqotay Magaalooyinka ugu raqiisan Teleefoonada guryaha (Landline) iyadoo cid kastaba ay ugu hadasho sida ay jeceshahay isla markaasna aad iska dhiibeyso lacagta bishii oo aan marnaba iska bedeleynin $10 Dollarka Mareykanka ah.

 

Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com


                             Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
 

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com