Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Koobka Aduunka oo la geyn doono Muqdisho. E-mail
Written by Muuqaal   
Wednesday, 18 November 2009 04:26
Sida ay xaqiijisay Fifa waxaa Berito 19 November ka caga dhigandoono Somalia diyaarad xambaarsan Koobka Aduunka ee la dhigi doono South Africa sanadka 2010, kaasoo soo maray dalal badan oo Afrikaan ah ugu dambeyntiina la geyn doono dalka South Africa oo ah dalka marti gelinayo Koobka kubadda cagta Adduunka sanadka dhalanaya ee 2010.

Socdaalkaan koobka lagu marsiinayo wadama badan oo caalamka iyo Africa ah ayaa waxaa maal geliyay shirkada cabitaanka ee Coca Cola oo Africa caan ka ah noqotayna mid taageeertay Koobka aduunka waxeyna qaadatay inta badan iidhehda, iyadoo baxisay qarashka lagu wareejinaayo koobka oo lagu sido diyaarad qaas ah waxeyna shirkaddu sidoo kale soo kireysay fanaaniin waaweyn sida fanaanka Soomaaliyeed da'da yar K'naan Warsame oo sida la sheegay noqday fanaanka ku guuleystay inuu heesahiisa ku daah furo xafladda furitaanka koobka Adduunka South Africa lagu qabanaayo Musigiisuna u noqday astaan koobka Aduuunka siiba heestiisa lagu magacaabo Waving flag kadib markii u tartan u galay kuna guuleystay arinkaas.

Hadaba iyadoo wadamada uusoo maray koobka loo soo dhigayay xaflado ay isku soo baxeen dad fara badan oo isugu jiray madax iyo shacab ciyaaraha jecel, laguna soo damaashaday sida wadanka jabuuti oo shalay la geeyay xaflad heersarena ay ka dhacday halkaasoo uu ku salaamay koobka Raiisul wasaaraha, iyadoo madaarkana uu uga tagay Madaxweyne Geelle ayaa haatan waxaa ay dadka ayaa isweydiinayaan Soomaalia yaa kusoo dhaweyn doono koobka, ma xeriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta,? ma madaafiicdii lagu yaqiinay waayahaaan in lagu soo tuuro garoonka,? ma shacbi kubada jecel oo loo sii sheegay?, ma diyaarada sideeda ayay usoo noqsan doontaa iyadoo la qaban wax xaflad ah ama isku soo bax lagu weyneynayo koobka.?

Arrintan ayaa ah mid taariikhi ah waxaana lagu xusaa Soomaalida in ay yihiin shacab aad u jecel kubadda, balse xiligan ay xaalada Soomaliya tahay mid aad u cakiran iyadoo koobka laga yaabaa in lasoo qaado iyadoo aanan loogu dabaal degin sidii la filayay.
Halkaan ka eeg
webka FIFA oo shaaciyay arinta  iyo jadwalka

Muuqaal Online

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it